U bood dhigaalka

Rooble iyo Safiirka Mareykanka Oo Ka Shiray Abaarta Dalka

Sheeko:Amniga

Ra’iisul Wasaararaha Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magaalada Muqdisho waxaa uu la kulan kula yeeshay Safiirka  dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Adre, waxaana ay  kawada hadleen  arrimo dhowr ah.

Safiirka iyo Rooble ayaa kawada hadlay dhammaystirka arrimaha doorashooyinka golaha shacbka, amniga dalka iyo xlda abaaraha ee ka jirta dalka iyo dowladda Mareykanka uga qeyb qaadan laheyd gurmadka shacabka abaartu ay saamaysay.

Ra’iisalwasaare Rooble ayaa maalmihii dambe waxaa uu Muqdisho kawaday kulamo uu kala yeelanayo safiiradda ku sugan caasimadda, waxaana inta badan uu kala hadlaayey xaaladda abaaraha iyo sidii loogu gurman lahaa dadka abaartu heshay.

Dowladda Imaaraadka ayaa waxaa ay noqotay dowladdii ugu horeysay ee ka awaabtay baaqii Rooble, waxaana dalka ay keentay gargaar Banii’amnimo oo dhaxal suga dalkaasi ugu deegay dadka ay abaartu ku saamaysay gudaha dalka.

Goobjoog News