U bood dhigaalka

Rooble iyo Shacabka Muqdisho oo Shaaha Wada Cabaya

Sheeko:Amniga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta wakhti la qaatay qaar ka mid ah Shacabka Muqdisho, bulshada ayaa waxay u samaynayeen salaan iyo marxabeyn ay kusoo dhoweynayeen.

Shacabkii uu Ra’iisul Wasaare Rooble watiga kula qaatay Muqdisho ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha dadaalka uu ku bixiyey qabsoomidda doorashooyinkii dalka ka qabsoontay ee uu ku guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shacabka ayaa siweyn Ra’iisulwasaaraha ugu amaanay sida uu u gutay waajibka doorashadii xildhibaannada labada gole, guddoonka labada aqal iyo middii madaxweynaha oo dhammaantood si hufan uu soo daadihinayay Ra’iisulwasaaraha.

Madaxweynaha cusub ee la doortay mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxaa looga fadhiyaa inuu dhowaan uu soo magacaabo Ra’iisulwasaarihii badali lahaa Maxamed Xuseen Rooble oo uu magacaabay madaxweynihii hore Farmaajo.

Goobjoog News