U bood dhigaalka

Rooble iyo Wafdigiisa Oo Gaaray Garbahaarrey

Sheeko:Amniga

Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Garbahaarrey ee xarunta gobalka Gedo.

Rooble iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada garbahaarrey ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka, odayaasha dhaqanka iyo bulshada qeyba heeda kala duwan.

Rooble ayaa kulama la qaadan doono maamulka magaalada, odyaaasha dhaqan hay’adaha amniga iyo ururada bulshada rayidka, inta uu ku sugan yahay magaalada garbahaarrey.

Magaalada garbahaarrey ayaa waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka baarlamaanka.

Goobjoog News