U bood dhigaalka

Rooble oo Baarlamaanka Hortagaya 9-ka Bisha

Sheeko:Amniga

War saxafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa tacsi loogu diray walidiinta iyo ehelada dadkii ku dhintay weerarkii shalay lagu qaaday Hotel Afriik, ee magaalada Muqdisho.

Qoraalka wasaaradda ayaa lagu yiri “Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya wuxu tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa shacabkii xalay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii Hotel Afrik. Wuxu ahaa weerar lagu soo qaaday shacabka Soomaaliyeed ee bir ma geydada ah. Cadowgu way sii daciifayaan, taag darradooda ayaana sabab u ah weeraradan quusta ah.”

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xukuumadda Rooble ee 3 bil jirsatay ay wax qabaadkeedi mudada ay xilka haysay ay geeyn doonto fadhiga golaha shacabka .

Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa la sheegay in 9-ka bisha uu hortagi doono baarlamaanka si uu wax qabadka muddadii uu xilka hayay ula wadaago Golaha .

“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya wuxu sheegay in xukuumadda oo 3 bilood jirsatay ay waxqabadkeedii 100 ka maalmood ka jeedin doonto Golaha Baarlamaanka Talaadada 9ka bisha Febraayo 2021.”