U bood dhigaalka

Rooble Oo Bashiir Goobe Umagacaabay Xil kale..

Sheeko:Amniga

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Bashiir Goobe umagacaabay wasiiru-dawlaha wasaaradda Howlaha Guud iyo dib udhiska xukuumada faderaalka Soomaaliya.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa wareegto uu soo saaray maanta oo ay taarrikhdu tahay 23//10/2021 ugu magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska, isagoo u rajeeyay in uu xilkiisa Eebbe u fududeeyo” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu daabacay warbaahinta Dawladda

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa bishii Semtemper waxa uu sarreeye Guud Bashiir Goobe umagacaabay aagasimaha hay’adda NISA isagoo xilka ka xayuubiyay agaasimihii hore NISA Fahad Yaasiin.

 

GOOBJOOG NEWS.