U bood dhigaalka

Rooble OO Baydhabo Ku Wajahan Maanta, Akhriso U Jeedkiisa

Sheeko:Amniga

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Roobel ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee maanta uu safar ku tago magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka koonfur galbeed Soomaaliya halkaas oo caawa la filayo in ay ka dhacdo munaasibadda loogu dabaal degayo seddax sano guuradii ka soo wareegatay markii la doortay madaxweynaha koonfur galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen.

Socdaal ka ra’iisul wasaaradaha ayaa sidoo kale qeyb ka ah in madaxweynaha dowlad gobaleedka koonfur galbeed Soomaaliya uu kulamo looga hadlayo arrimaha doorashada la qaato.

Rooble ayaa inta kuu sugan yahay baydhabo waxaa uga furmayo shir ay isugu imaanayaan madaxda dowlad gobaleedyada dalka kaas oo doorashada iyo tabashooyinka ka taagan looga hadlayo.

Maanta ayaa sidoo kale lagu wadaa in madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor uu tago magaalada baydhabo halkaas oo isna munaasibadda seddax sano guurada lafta-gareen iyo shirka wadatashiga doorashooyinka uu kaga qeyb galayo.

Madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada kale ayaa lagu wada in illa labada maalin ee soo socta ayagana ay halkaasi tagaan.

Goobjoog News