U bood dhigaalka

Rooble oo Dhul Siiyey Safaaradda Masar ee Muqdisho, Maxay Ka Wada Hadleen Dhiggiisa Masar

Sheeko:Amniga

Kulan shalay Qaahira ku dhex maray ra’isul wasaarayaasha Soomaaliya Maxamed Rooble iyo dhiggiisa Masar Mustafa Madbuuli ayuu Rooble ballanqaaday in dhul siin doono safaaradda Masar ee Muqdisho halka Qaahira ay sheegtay haddii ay sidaa dhacdo in safiirkooda oo hadda Nairobi ku sugan usoo guuri doono caasimadda Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in hadda qunsulka Masar ee Muqdisho uu ku shaqeeyo Hotel Jaziira, taasi oo fadeexad ku ah shaqada diblomaasiyadda.

Dhanka kale, kulanka Rooble iyo Madbuul waxaa Soomaalida qeyb ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare, iyo safiirka Soomaaliya ee Masar halla dhanka Masaarida ay joogeen wasiirka arrimaha dibadda, wasiirrada waxbarashada iyo tacliinta sare iyo wasiirka iskaashiga caalamiga ah.

Madbuuli, ra’isul wasaaraha Masar ayaa soo dhoweeyey Rooble isaga oo ammaanay xiriirka labada dal, waxaa uuna soo dhoweeyey in haddii dhul safaarad helaan ay soo celin doonaan ay soo celin doonaan safiirka, ergada waxbarashada iyo qaar kale.