Rooble Oo Gaaray Kismaayo si uu u dardargaliyo hannaanka Doorashada iyo dib u Heshiisiinta Jubbaland.
Sheeko:Dalka

Ra’iisulwasaaraha xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu Hoggaamiyo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Ujeedka Rooble ee magaalada Kismaayo ayaa la xiriirta sidii dib u heshiis looga loogu gaari lahaa khilaafka gobolka Gedo.
Sidoo kale Safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa qeyb ka ah dardargalinta hannaanka doorashada dalka ee 2020-21.
Ra’isul Wasaare Rooble ayaa dhawaan magacaabay guddib dib u heshiisiin gobolka Gedo ah, kaas oo aysan ku jirin xubno ka soo jeeda Jubaland.
Goobjoog News