U bood dhigaalka

Rooble Oo Gaaray Kismaayo si uu u dardargaliyo hannaanka Doorashada iyo dib u Heshiisiinta Jubbaland.

Sheeko:Dalka

Ra’iisulwasaaraha xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu Hoggaamiyo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ujeedka Rooble ee magaalada Kismaayo ayaa la xiriirta sidii dib u heshiis  looga loogu gaari  lahaa khilaafka gobolka Gedo.

Sidoo kale  Safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble  ayaa  qeyb ka ah dardargalinta hannaanka doorashada dalka ee 2020-21.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa dhawaan magacaabay guddib dib u heshiisiin gobolka Gedo ah, kaas oo aysan ku jirin xubno ka soo jeeda Jubaland.

Goobjoog News