U bood dhigaalka

Rooble Oo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Kula Kulmay Saraakiisha Ciidamada Booliiska

Sheeko:Amniga

Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan kula qaatay garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho saraakiisha ciidamada Booliiska.

Rooble ayaa ciidamada faray sugidda amniga dalka iyo xaqiijinta si gaar ah Ammaanka caasimadda inta lagu guda jiro doorashooyinka.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Mocalimuu ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha uu sidoo kale kula dardaarmay saraakiisha in ay xil iska saaraan amniga.

“Ra’iisul Wasaaraha X FS Mohamed Hussein Roble ayaa kulan la qaatay laamaha amniga isaga oo faray xoojinta amniga guud ee waddanka gaar ahaan caasimadda Muqdisho . Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dar dardaarmay saraakiisha in ay xil gaar ah iska saaraan sugidda amniga doorashooyinka dalka ka bilowday”ayuu yiri Mocalimuu.
May be an image of 2 people, people standing and indoor