U bood dhigaalka

Rooble oo Guda-galaya Doorashada Guddiga SIET ee Somaliland iyo Xaashi oo Diidan

Sheeko:Amniga

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta u qorsheeyey qabashada doorashada xubnaha guddiga doorashada dadban ee heer maamul ee Somaliland xilli guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi uu arrinkaas iska didaay.

Qoraal soo baxay khamiistii ayaa lagu shaaciyey in doorashada ay dhaceysa 7-bada bisha oo maanta ah, kana dhaceyso Afisyooni.

Waxaa goordhaw la shaaciyay waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada guddoonka guddiga doorashada Somaliland.

Arrimaha uu guddoomiye Xaashi diidan yahay waxaa ka mid ah in doorashada ay qeyb ka noqdaan 3-da xubin ee ra’isul wasaare Rooble ku daray SIET, waxaa uuna marar badan ku celiyey in lagu koobo 8-dda xubnood ee ay kala magacaabeen isaga iyo Khadar Guudleed oo ah ra’isul wasaare ku xigeenka.