U bood dhigaalka

Rooble oo Hambalyeeyay Ra’iisul’wasaaraha Cusub

Sheeko:Amniga

Maxamed Xuseen Rooble ayaa ra’iisulwasaarihii hore ee dalka ayaa hambalyo u diray Ra’iisulwasaaraha cusub ee galabta uu magacaabay madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana xilkaas loo idmaday Xamse Cabdi Barre oo ka tirsanaa golaha shacabka.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Mudane Xamse Cabdi Barre, oo Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud maanta u magacaabay in uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha 21aad ee JFS. Waxaan Ra’iisul Wasaaraha magacaaban u rajeynayaa guul”. Ayuu yiri Mudane Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa la horgeyn doonaa Golaha Baarlamaanka si ay u siiyaan codka kalsoonida, kadibna waxaa lagu wadaa inuu soo dhiso xukuumadda federalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu xasuusan doonaa doorkii uu ku lahaa doorashadii dalka ka dhacday.

Goobjoog News