U bood dhigaalka

Rooble oo Hambalyo u Diray Guddoonka Aqalka Sare

Sheeko:War

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble, ayaa waxaa hambalyo u diray Guddoonka Cusub ee golaha Aqalka Sare oo maanta Muqdisho  lagu doortay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa alle uga baryey inuu ku asturo xilka loo doortay guddoonka cusub ee golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

“Waxaan hambalyeynaa Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS  Sen. Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo mar kale maanta la doortay iyo labadiisa ku xigeen Sen. Cali Shacbaan Ibraahim  iyo Sen. Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde.” ayuu ku yiri Ra’iisul wasaare Rooble qoraal uu soo galiyey bartiisa Facebook.
Guddoonka aqalka sare ee Baarlamaanka federlka Soomalaiya ee maanta lagu doortay caasimadda dalka ayaa waxaa xigi doonta doorashada guddoonka golaha shacabka oo barri ka dhacayso teendhada Afisyooni, waxaana siweyn loo saadaalinayaa in ay noqon doonto doorasho aad loogu loolami doona kuraasta kale duwa ee golaha.
Goobjoog News