U bood dhigaalka

Rooble Oo Ku Baaqay In Si Deg Deg Ah Loo Bilaabo Doorashada Golaha Shacabka

Sheeko:Amniga

Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa daahfuray dhageysiga khudbadaha Musharixiinta aqalka sare ee Somaliland.

Rooble oo Afisyooni kaga qeyb galay Dhageysiga khudbadaha Musharixiinta aqalka sare ee Somaliland, ayaa sheegay in Somaliland mar waliba ay ku caan tahay qabashada doorashooyin lagu wada qanco.

“Somaliland waxay caan ku tahay doorasho hufnaan iyo cadaalad ah, sidaa datreed indhaha ayey shacabka Soomaaliyeed idiinku hayaan, marka waxaa rabaa iney noqoto doorasho lagu dayan karo, taariikhda gasho oo qof kasta ka hadlaayo cadaaladeeda” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Rooble ayaa sidoo kale maamulada dalka ugu baaqay in ay soo dhameystiraan kuraasta ku dhiman ee Aqalka sare.

“Dowlad goboleedyada waa iney soo dhameystiraan aqalka sare, labada Galmudug, afarta Jubbaland iyo labada Hirshabelle sida ugu dhaqsiyaha badan aqalka sare usoo gudbiyaan, sababta aan sidaa u leeyahay wax kale ma aha, Somaliland aqalkeeda sare marka uu dhamaado, waxaan rabaa in ay taariikhda gasho in la isugu yeero dhammaan xildhibaannada aqalka sare si ay u sameystaan guddoonkoodii iyo nidaamkoodii sidaasna ay Soomaaliya ku yeelato hey’addii ugu horeysay oo dastuuri ah, dalkana u yeesho madax lagu soo hagaago anigana ila xisaabtamo, anigana aan la xisaabtamo.”ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan u xaqiijinayaa in mar walba u taaganahay cadaaladda, Ikraan cadaalad waa ay heleysaa, kuwii dhibka u geystay ama maanta aan helno ama berri gacanta shacabka waa ay soo gelin doonaan..Maxkamadda militariga go’aaneeda ayaan sugeysnaa, horayna waa u faray haddana waa farayaa si hawlaha u bilaabaan” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.
Goobjoog New