U bood dhigaalka

Rooble oo Ku Dheggan Magacaabista Taliye NISA oo Kiiska Ikraan u Cadaalad fala iyo Farmaajo oo Diiddan

Sheeko:Amniga

Wararkii ugu dambeeyey ee kasoo baxaya Villa Somalia ayaa sheegaya in xalay lagu kala kacay shirkii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’isul wasaare Maxamed Rooble iyada oo nin weliba booskiisa joogo.

Warar ayaa intaas ku daraya in xataa uu fashilmay guddi labada dhinac ah oo la faray iney war murtiyeed iyo qodobbo soo qoraan, kadib markii kooxda Farmaajo ay ku adkeysteen dhammaan qodobadii horay looga diiday Farmaajo.

Farmaajo ayaa inta badan labo arrin aad ugu adag (1). Inuu isaga keeno taliyaha NISA iyo (2). In Fahad Yaasiin iyo saraakiisha kale ee NISA laga daayo dacwada ka taalla maxkamadda ciidanka.

Dhankiisa, ra’isul wasaare Maxamed Rooble ayaa ku adkeysanaya in taliyaha loo magacaabayo NISA loo baahanyahay inuu noqdo mid madaxbannaan oo kiiska Ikraan horay u wadi kara, una cadaalad fali kara, taasi oo aanu sameyn karin Farmaajo iyo cidda uu magacaabayo,  qodobka kale ayaa ah in kiiska lagu maxkamadeynayo Fahad Yaasiin, Ikraan Tahliilnka ay cadaalad ku heleyso uu yahay lagama laabtaan.

Ra’isul wasaare Rooble oo heysta kalsooni shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil ayaa u muuqda ilaa hadda mid ku dhinac ah dareenka umadda.

Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Koonfur galbeed Axmed Kaariye Qoor-qoor iyo Cabdicasis Lafta-gareen oo dhex-dhexaadinta qeyb ka ah ayaa ku daalay labada dhinac, iyaga oo Farmaajo ka dhaadhicin la’ iney uga dhammaatay maamulidda marxaladda kala-guurka.

Goobjoog News