U bood dhigaalka

Rooble Oo Kulan La Qaatay Qoyska Ikraan Tahliil

Sheeko:Amniga

Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Qoyska Ikraan Tahliil Faarax.

Kulanka ayuu Rooble la yeeshay Hooyada dhashay Ikraan Tahliil iyo qoyska gabadha oo dulmane u ah hay’adda NISA.

Rooble ayaa waalidiinta u sheegay sida ay xukuumadiisa uga go’an tahay in ay cadaalad hesho Ikraan Tahliil.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xalay u balan qaaday qoyska Ikraan in NISA uu ka sugayo warbixin 48-gudahoodna uu jawaab ay ku qancaan ka bixinayo Kiiska.