U bood dhigaalka

Rooble Oo La Kulmay Guddiga Dib U Hishiisiinta Gobalka Gedo

Sheeko:Amniga

Guddiga dib u hishiisiinta gobalka Gedo ayaa maanta ra’iisul wasaare Rooble ku wareejiyay warbixintii ay ka soo diyaariyeen gobalka.

Xubnaha guddiga oo ay hor boodayaan Wasiirada Arrimaha gudaha dowlad gobaleedyada Puntland iyo Hirshabeelle, ayaa dhawaan ku soo guuleystay in ay xaliyaan khilaaf mudda dheer ka taagna gobalka Gedo.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa guddiga ku bogaadiyay kaalintii ay ka qaateen in xal loo hello Arrinta Gedo si doorashada ay u qabsoonto.