U bood dhigaalka

Rooble Oo La Kulmay Taliyaha Ciidamad Lugta Uganda

Sheeko:Amniga

Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay wafdi uu hogaaminaayo taliyaha ciidamada lugta Uganda Gen.Muhorzi Kainerugaba.

Kulanka ayaa waxaa ra’iisul wasaaraha dalka ku wehlinayay wasiirka Amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Xil Cabdullahi Maxamed Nuur.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay taliyaha ciidammada lugta Uganda Gen.Muhorzi Kainerugaba oo booqasho ku yimid Muqdisho, ayaa uga mahadceliyay kaalinta muhiimka ah ee ciidammada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM & wada shaqeynta kala dhaxeysa ciidammada Soomaaliya”.