U bood dhigaalka

Rooble Oo Lakulmay Mahdi Iyo Cabdixaashi.

Sheeko:Amniga

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Guddodomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulankan ayaa sida lagu sheegay war qoraal ah kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa looga Arrinsanayay u diyaar garowga doorashada xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi iyo sidii loo dardar galin lahaa.

Intii uusocday kulanka waxaa laysla gartay in Mahdi iyo Gudoomiye Cabdixaashi ay gudbiyaan liiska musharaxiinta Aqalka Sare, waxa sidoo kale Kulanka goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Baashi Yuusuf Axmed