U bood dhigaalka

Rooble Oo Madaxda Dowlad Gooboleedyada U Gudbiyay Walaaca Musharixiinta Ee Doorashada

Sheeko:Amniga

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kulan dhanka fogaan aragga ah la qaatay madaxda dowlad gobaleedyada dalka.

Rooble iyo madaxda golaha wadatashiga Qaranka ayaa kawada hadle sidii dalka looga qaban lahaa doorashooyin daahfuran oo lagu kalsoonaan karo.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland, Puntland iyo Koonfur galbeed.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa guddoomiyay kulan ay habka fogaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka oo diiradda lagu saaray daahfurnaanta doorashada iyo dardargelintooda,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Rooble ayaa sidoo kale madaxda dowlad gobaleedyada ugu baaqay in la dardar geliyo howlaha doorashooyinka.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda Golaha Wadatashiga ku boorriyay sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashadu noqoto mid daahfuran oo lagu qanci karo, isagoo madasha u gudbiyay walaaca iyo cabashooyinka la xiriira doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Kulankaan ayaa yimid kadib markii maalin ka hor ra’iisul wasaaraha kulan uu la qaatay midawga musharixiinta lagu go’aamiyay in doorashooyinka ay noqdaan kuwa xor iyo xalaal.
Goobjoog News