U bood dhigaalka

Rooble Oo Magacaabay Guddi Baaris Ku Sameeyo Farmaajo iyo Kooxdiisi Afgambiga

Sheeko:Amniga

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacabaay xubno ka tirsan golaha wasiirada kuwaas oo baaritaan ku sameynaya dhamaan shaqsiyaadkii ku lugta lahaa afgambigii dhicisoobay ee dalka ka dhacay 27 December sanadkii hore.

Wareegto ka soo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu macabaaya wasiirada waxbarashada, gashaandhigga, amniga iyo wasiiru dowolaha howlaha guud iyo wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha.

1- Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka gaashaandhigga—Guddoomiye.
2- Cabdullaahi Maxed Nuur Wasiirka Amniga Gudaha.
3- Cabdullaahi Abuukar Xaaji – Wasiirka Waxbarashada.
4- Gen Bashiir Maxamed Jaamac, Wasiirudowlaha Hawlaha Guud.
5- Cabdixakiim Xasan Ashkir, Wasiirudowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha.
Ra’iisul wasaare Rooble ayaa amray in baaritaanka Farmaajo iyo kooxdiisa afgambiga lagu sameynayo i in la soo gabagabeeyo muddo isbuuc ah.
27 December sanadkii hore ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaaciyay in dalka uu ka dhacay afgambi dhicisoobay, kaas oo uu soo abaabulay farmaajo.
Goobjoog News