U bood dhigaalka

Rooble oo Magacaabay Guddi Kala Shaqeeya Doorashada

Sheeko:Amniga
Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa  magacaabay Guddi Farsamo oo ka taageeraya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha arrimaha doorashooyinka.
Guddigan oo ka kooban todoba xunod ayaa ra’iisul wasaaraha ka garabsiin doono arrimaha doorashooyinka, xubnaha guddiga ayaana qeyb ka aheyn dowladda iyo mucaaradkaba .
Guddigan ayaa howshiisa tahay isku xirka dhammaan howlaha doorashooyinka ee hey’adaha ku shaqada leh, sida Beesha Caalamka, Golaha Wadatashiga Qaran iyo Guddiyada kale ee doorashooyinka heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.