U bood dhigaalka

Rooble Oo Muqdisho Ka Furay Shir Looga Hadlayo Gedddi Socodka Dowladnimada Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada muqdisho maanta ka daahfuray shirka geddiga socodka dowladnimada Soomaaliya.

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen aqoonyahanno, xubna ka socda bulshada rayidka iyo siyaasiyiin ayaa looga hadlay hanaanka dowladnimada Soomaaliya ee soddonkii sano ee u dambeyay.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa furay kulan wadatashi ah oo ku saabsan taabbagelinta geeddi socodka dowladnimada xilliga kala guurka, kaas oo ay ka qeyb galayaan Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiidka ra’iisul wasaaraha.