U bood dhigaalka

Rooble Oo Muqdisho Kula Shiray Wafdi Ka Socda Midawga Afrika

Sheeko:Amniga

Ra`iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa goordhaw kulan kula qaatay xubnaha golaha amniga iyo nabadda ee midawga africa.

Rooble ayaa midawga nabadda iyo amniga midawga afrika kala hadlay xaaladda AMISOM iyo arrimo ay ka mid yihein amniga doorashooyinka dalka.

`Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta qaabilay Safiirrada 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika oo uu hoggaaminayay Danjire Maxamed Gad iyagoo ka wada hadlay howlaha Ciidammada nabad ilaalinta AMISOM ee Somalia iyo xoojinta Iskaashiga DFS iyo Midowga Afrika`, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska ra`iisul wasaaraha dalka.

Xubnaha golaha ammaanka iyo nabadda ee midawga afrika ayaa todobaadkaan soo gaaray magaalada muqdisho, waxaana lagu wadaa in mas`uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ay kulan kula qaatay caasimadda inta ay ku sugan yihiin.