U bood dhigaalka

Rooble Oo Qatar Lagu Soo Dhaweeyay

Sheeko:Amniga

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu soo dhaweyay magaalada Doxa ee dalka Qatar.

Rooble ayaa casuumaad ka helay amiirka dalka Qatar  Sheikh Tamim bin Xamad Al Thani.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa inta ay ku sugan yihiin caasimadda dalka Qatar ee Doxa waxa ay kulama la qaadan doonan mas’uuliyiinta sar sare ee dowladda Qatar.

Qatar ayaa afarti sano ee la soo dhaafay galaangal siyaasadeed oo xooggan ku dhex laheyd dowladda Soomaaliya oo uu hogaaminayay Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Goobjoog News