U bood dhigaalka

Rooble oo Raaligelin Siiyey UAE iyo Farmaajo Oo Hakiyey Lacagta

Sheeko:Amniga
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa dowladda Imaaradka carabta raali gelin ka siiyay go’aankii ay dowladda Soomaaliya april 2018-kii lacag ay laheyd looga qabtay.
Rooble ayaa sidoo kale sheegay in lacagtaas sida ugu dhaqsiyaha badan loogu celinayo gacanta Imaaradka.
“Waxa aan rabaa in aan halkan ka cadeeyo in madmadowgii soo kala dhexgalay labada dal Soomaaliya iyo Dowladda Imaaraadka Carabta ee ka billowday dhacdadii April-2018 waxa aan rabaa in aan u muujinno in aan ka xunnahay waana ka raalli gelineynaa wixii dhacay, waxa aan leenahay wixii dhacay aan hore uga socono bog cusubna aan furno” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.
Dhanka kale Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu guddoomiyaha Bangiga dhexe ku wargeliyey inaan qasnadda dowladda laga bixin lacagta Imaaraadka ee $9.6 milyan ah, isaga oo intaa raaciyey in sharci darro dalka kusoo gashay lacagtaas.
Qoraalka Farmaajo ayaa lagu sheegay sidoo kale in hal mas’uul uu san go’aan ka gaari karin bixinta lacagtaas Imaaradka laga hayo.
Dowladda soomaaliya ayaa tan iyo markii ay lacagta qabatay 2018-kii aan wax baaritaan ah ku sameeynin , iyadoo lacagta ku shubtay bankiga dhexe.