U bood dhigaalka

Rooble Oo Saaka U Safrayo Kenya

Sheeko:Amniga

Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socde ee saaka uu safar ugu amba baxo caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, kadib casuumaad uu ka helaya madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyata.

Rooble ayaa kulan la qaadan doona Uhuru, xilli la filayo in si rasmi ah losoo celiyo xiriirka Xukuumadda Nairobi ay la leedahay dalkeenna.

Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in ajendeyaasha kale ee safarka Rooble ee Nairobi ay ka mid yihiin  xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha Socdaalka dhulka iyo cirka, amniga, ganacsiga, Fiisaha iyo arrimaha kale.

Qoraal axaddii kasoo baxay xafiiska ra’isul wasaare Rooble kadib kulan dhex maray isaga iyo Raychelle Omamo ayaa lagu yiri sidan: Xukuumadda Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa in dacwada muranka badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya go’aankeeda laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada.

Safarka ayaa waxaa uu dhaliyey khilaaf xooggan oo u dhaxeeya madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’isul wasaarihiisa, iyada oo labada nin is qabsadeen.

Goobjoog News