U bood dhigaalka

Rooble Oo Swan Kala Hadlay Doorashooyinka Dalka

Sheeko:Amniga

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa safiirka xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya kulan kula yeeshay xafiiskiisa shaqada.

Rooble iyo James Swan ayaa kawada hadlay sidii loo dardargelin lahaa howlaha doorashooyinka dalka iyo taageerada Qaramada Midooba.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM ee Soomaaliya Mudane James Swan oo ay ka wada hadleen dardargelinta doorashooyinka dalka iyo taageerada farsamo iyo dhaqaale ee Beesha Caalamka”, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale intii lagu guda jiray kulanka waxa uu maamul gobaleedyada dalka ugu baaqay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku bilaabaan howlaha doorashada golaha shacabka.

“Ra’iisul Wasaare Maxamedd Xuseen Rooble ayaa horay ugu boorriyay dowlad-goboleedyadu in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka BFS”, ayuu yiri Rooble.

Kulanka Ra’iisul wasaaraha iyo safiirka xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Ciro.

Goobjoog News