U bood dhigaalka

Rooble oo Talaadada Kusii Jeeda Nairobi, Akhriso Ajendaha!

Sheeko:Amniga

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble ayaa lagu wadaa in uu talaadada u safro caasimadda Kenya ee Nairobi si uu ula kulmo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Kenyatta ayaa Rooble casuumaad ugu soo dhiibay xogheyaha arrimaha dibadda Raychelle Omamo taas oo shalay timid kulamana la yeelatay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaq, ra’isul wasaare Rooble iyo Madaxweynaha Farmaajo.

Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in ajendeyaasha safarka Rooble ee Nairobi ay ka mid yihiin  xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha Socdaalka dhulka iyo cirka, amniga, ganacsiga, Fiisaha iyo arrimaha kale.

Qoraal axaddii kasoo baxay xafiiska ra’isul wasaare Rooble kadib kulan dhex maray isaga iyo Raychelle Omamo ayaa lagu yiri sidan: Xukuumadda Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa in dacwada muranka badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya go’aankeeda laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada.

Safarka ayaa waxaa uu dhaliyey khilaaf xooggan oo u dhaxeeya madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’isul wasaarihiisa, iyada oo labada nin is qabsadeen.

Sabtidii, Farmaajo ayaa hordhac la’aan waxaa uu soo saaray wareegto uu ku joojinayo in xukuumadda Rooble ay wax heshiis ah gasho muddada kala-guurka, iyada oo lagu yiri:

1. Waxaa Xeer Madaxweyne lagu hakiyey, ilaa doorashada kaddib, heshiisyada Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya sida Xukuumadda iyo laamaha kale ee fulintu ay la galayaan dalalka kale, Hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ah.

2. Waxaa reebban, ilaa doorashada keddib, in Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda ay magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya ku galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka dalka, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee dalkeenna.

3. Waxaa la joojiyay in heshiis ama is-afgarad ganacsi lala galo dowlado kale inta doorashooyinka dalka lagu guda jiro.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah Maxamed Rooble ayaa si kulul uga jawaabay Digreetada, waxaa uuna sheegay in shaqada si caadi usii wadayo, oo aan khuseyn waxa uu Farmaajo ka hadlayo.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’isul wasaaraha oo arrinkan looga hadlay ayaa lagu yiri: Ra’isul wasaaraha oo cuskanaya Qodobka 97-aad faqradiisa 1-aad ee Dastuurka KMG ah, awoodda fulinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ah waxaa leh golaha Wasiirrada, waxayna u qabanayaan sida Dastuurka ku tilmaaman, waana hay’adda ugu sarreyso fulinta maamulka dalka.

Xukuumaddu waxa ay sidoo kale mas’uuliyad ka saaran tahay Dhaqangelinta shuruucda, sugidda nabadgelyada dalka, ilaalinta danaha dalka iyo Dadka Soomaaliya, sidaas la mid ah Dastuurka Qaran ayaa u xilsaaraya Xukuumadda Federaalka ah wada-xaajoodyada la xiriira Kaalmada Dibadda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee laxiriira hishiisyada caalamiga ah.

Sida ku cad Qodobka 103 ee Dastuurka Jamhuuriyadda, inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Raisul- Wasaaraha xilka haya iyo golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah taas oo Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada u fasaxaysa in ay si caadi ah u fuliyaan waajibadka Qaran ee Dastuurku saaray isla markaana Meesha ka saaraysa in wax hakad ah ku yimaado shaqooyinka Dawladda.

Hadaba, iyada oo laga ambaqaadayo Qodobada Dastuuriga ah ee kor ku xusan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuu farayaa dhamaan hay’adaha Dawladda in ay si caadi ah u gutaan Waajibaadkooda shaqo si waafaqsan Dastuurka KMG ah, joogteeyaanna adeegyada loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta hantida iyo danaha guud ee Qaranka, iyagoo xusuusan isla markaana dhawraya go’aamadii uu horay usoo saaray Ra’isul Wasaaraha.

Is-qabqabsiga Farmaajo iyo Rooble ayaa imaanaya xilli dalku uu ku jiro doorashooyinka, waxaana la sadaalinayaa in arrinkan ay saameyn ku yeelan doonto natiijada iyo hanka Farmaajo.

Goobjoog News