U bood dhigaalka

Rooble Oo Wasiirka Arrimaha Dibadda U Magacaabay Mid Ka Mid Ah Lataliyayaasha Farmaajo

Sheeko:Amniga

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Arrimaha dibadda Xukumadda Federaalka.

Rooble oo xilkan ka qaaday Maxamed Cabdirisaaq isagoo xilka ka qaaday Cabdi Saciid Muuse Cali.

“Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS ugu magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Halka Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda loo magacaabay mudane Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos),” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale isku baddelay labada wasiir ee kala ah:

Maxamed Aadan Macallin (Soomaali) oo loo magacaabay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa iyo

Xuseen Maxamed Sheikh Xuseen (Badni) oo loo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud Guriyeynta iyo Dib u dhiska.