U bood dhigaalka

Rooble Oo Xilkii Ka Qaaday Fahad Yaasiin

Sheeko:Amniga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqada ka joojiyay Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxa uuna si KMG ah Agaasimaha guud ee NISA ugu magacaabay Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Ra’isul wasaaraha ayaa faray xeelilaalinta ciidamada qalabka sida in ay baaris rasmi ah ku samayso kiiska ikraan tahliil kadibna ay horgeeyaan maxakamadaha.