U bood dhigaalka

Rooble : Warbixinta NISA Ma Ahan Mid Lagu Qanci Karo

Sheeko:Amniga

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay kiiska Ikraan Tahaliil Faarax ayaa sheegay in aan lagu qanci karin xogtii Hay’adda Nabad Sugidda, isagoo faray Agaasimaha NISA in uu 48 saac gudohood ku soo gudbiyo warbixin dhammeystiran, shacabkana ugu baaqay in ay is dajiyaan.

Rooble ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadiisa ay waajib ka saaran tahay sidii Ikraan Tahliil ay cadaalad ku heli laheyd.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in marka ay soo dhameeystirmaan Jawaabaha uu sugayo uu qaadan doono go’aan ka dhan ah NISA.

Rooble ayaa tan iyo markii ay NISA soo saartay warbixin ay ku sheegtay in Ururka Al-shabaab ay dileen Ikraan Tahliil la kulmaye cadaadis siyaasadeed oo ku aaddan sida uu kiiska u maareynayo

Goobjoog News