U bood dhigaalka

Rooble: Waxaan Isugu Yeeri-doonnaa Kulan Dhexmara Dowladda Federaalka Ah iyo Dowlad Goboleedyada

Sheeko:Amniga

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble oo maanta ka hadlay ayaa sheegay in todobaadka soo aadan uu safar ku tagi doonno maamullada Puntland iyo Galmudug si uu hawlo halkaas ugu soo qabto.

Rooble oo arrintaas sidoo kale Twitterkiisa soo dhigay ayaa qoray sidan ” Waxaan qorsheynayaa horraanta todobaadka soo socda inaan safar ku tago Garoowe, Galkacyo iyo Samaree, soo laabadkeygana waxaa shir isugu wici doonaa dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubanaha ka ah”.

Lama oga sida inta uu safarka ku jiro ugu qanci-doonno Puntland iyo Jubbaland iney qeyb ka noqdaan shirkaas ama ay soo dhameystiraan xubnaha guddiga doorashada.

Goobjoog News