U bood dhigaalka

Rooble: Weerarkii Dhacay Waxaa Lagu Carqaladaynayaa Hamsami u Socodka Doorashada

Sheeko:Amniga

Ra’iisalwasaaraha xukuumadda federalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay tahay fal laga xukumaado weerarkii lagu qaaday hotel lagu dhaarinayay xidhibaannadii lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kaas oo la sheegay in ay geysteen ciidamo ka tirsan dowladda sida uu sheegay guddoomiye Dhabancad.

Ra’oosulwaasaraha oo soo saaray qoraal ayaa muujiyay dareenkiisa ku aadan fakilii dhacay, waxaana uu xusay in ay tahay carqalad lagu samaynayo hamsami u socodka doorashooyinka dalka oo lagu wado in maalmaha isxiga Muqdisho ay ka dhici doonto doorashoooyinka doonka labada aqal ee BJFS  iyadoo lagu yiri qoraal kasoo baxay.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu aad uga xun yahay ficillada gurracan iyo isku dayada is daba joogga ah ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashooyinka, ficilladaas oo uu ugu dambeeyay isku daygii maanta lagu beegsaday Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, Howlwadeennada Golaha Shacabka iyo 16-kii xildhibaan ee dhawaan lagu doortay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo”

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu uga digayaa taliyeyaasha Ciidammada Booliska iyo Nabad Sugidda in ay ku lug yeeshaan falalka gurracan ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashada oo heer gebogebo ah mareysa, shacabka Soomaaliyeedna waxa uu ka codsanayaa in ay isha ku hayaan dadka ka dambeeya abaabulka falalka lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Rooble.
Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan magaalada Geneva ayaa qadka Teleefoonka kula xiriiray guddoomiyaha KMG golaha shacabka Cabdisalaan Dhabancad oo la kulmay weerarka lagu qaaday Hotelka ay ka socotay dhaarta xildhibaannada, Ra’iisulwasaaraha ayaa bogaadiyay geesinimada uu muujiyey guddoomiyaha.
“Ra’iisul Wasaare Rooble oo khadka telefoonka kula hadlay KMG  ee Golaha Shacabka ayaa ku bogaadiyay sida geesinimada leh ee guddoonka KMG ee labada aqal u wadaan howsha doorashada,kuna dhiirrigeliyay in ay waajibaadkooda gutaan.  Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusuusinayaa xildhibaannada BJFS inay in ay saaran tahay mas’uuliyadda ugu sarreysa ee dalka waxa uuna ku dhiirrigelinayaa in ay u miboobaan” ayaa lagu yiri qoraalka.
Goobjoog News