Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergey Lavrov ayaa sheegay in dalkiisa uu eryayo 60 diblomaasiyiin Ruush ah, taasi oo jawaab u ah go’aanka Washington ay ku eriday dibloomaasiyiinta Ruushka.
Waxaa uu sheegay in Moscow ay u yeertay safiirka Mareykanka ee Ruushka si ay u gaarsiiso arrintan.
Sergey Lavrov ayaa intaas ku daray in Ruushka uu sidoo kale u xirayo qunsiliyadda Mareykanka ee ku taallo magaalada Saint Petersburg.
Goobjoog News