U bood dhigaalka

Ruushka oo gantaallo ku gaaraacay Ukraine, Kyiv oo dalbatay kaalmo deg-deg ah

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda Ruushka ayaa gantaallo dhowr ah ku weeraray magaalooyinka waawayn ee dalka Ukraine saacadihii la soo dhaafay.

Gantaalada ayaa waxaa ay gaysteen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana ay dowladda Ukraine ay ku tilmaamtay in uu uu yahay weerar toos ah oo dalkeeda lagu soo qaaday.

Magaalada Snipro  ee dhacda bariga dalka Ukraine ayaa la soo warinaya in gantaal lagu dhuftay ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 12 qof.

Magaaloyiinka kale ee gantaalada saacadihii la soo dhaafay ay Moscow ku dhufatay ayaa kala ah Kyiv, Kharkiv iyo Odesa, oo kamid ah magaalooyinka ugu waawayn dalka Ukraine.

Weerarkaan ayaa intiisa badan lala beegsaday  xarumaha korontada ee Ukraine, taas oo magaalooyinkaas sababtay in ay noqdaan kuwa mugdi ah.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa goorsii horeysay sheegtay in ay Kyiv ay u direyso tiro gantaalada ‘Challenger 2’ si ay u adkeeyso awoodeeda dhanka difaaca.

Rishi Sunak oo ah ra’iisulwasaaraha UK ayaa sheegay in gantaallada ‘Challenger 2’ ay Ukraine ka caawinayaan in ay dib u riixaan ciidamada Ruushka.

Madaxweynaha Ukraine ayaa dhankiisa sheegay in 30 kamid ah gantaallada ay Moscow dalkiisa ku soo ridday in ciidamadiisa ay ka difaaceen dalka.

Waxaana uu markale cadeeyay in ay sugayaan kaalmada dalalka ay xulafada yihiin oo uu xusay in ay keliya isku difaacayaan hubka lagu kaalmeeyo.

“Hubka ku keydsan bakhaarrada waddamada aan xulfada nahay ayey askarteenna si weyn u sugayaan,” ayuu yiri Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.

Goobjoog News