U bood dhigaalka

Ruushka oo u Digay Shirkadaa Facebook, Twetter iyo Google

Dalka Ruushka ayaa warqad cabasho iyo digniin isugu jirta u diray 3 shirkad ee Mareykanka ugu weyn xagga Internet-ka.

Ruushka ayaa shirkadaha Facebook, Twetter iyo Google uga digay in ay ku tuntaan xeerarka Internet-ka ee u yaalo dalka Ruushka.

Afhayeen u hadlay dalka Ruushka ayaa sheegay in shirkadahaas laga mamnuuci doono dalka Ruushka haddii aanay u hogaansamin siyaasadda Internet-ka dalka Ruush-ka.

Dadka kasoo horjeeda siyaasadaha Madaxweynaha Ruushka waxaa ay sheegaan in arintan warqadda loogu diray Ruushka ay tahay mid ka hor imanaysa xuriyadda hadlaka.

Ruushka ayaa dacwo ka qaba Mucaaradka Putin oo adeegsada shirkadahan si ay ugu soo bandhigaan arimo kasoo horjeeda siyaasadahiisa.

Mas’uuliyiinta Ruushka waxaa ay qabaan in shirkadahan 3-da ah ay mamnuucaan ilaa 3000 oo ah dadka Webabka leh kuwaas oo kasoo horjeeda siyaasadaha Putin isla markaana isticmaala adeega shirkadahan.

Dhinaca kale mid ka mid dadkii hore uga soo shaqeeyay ha’yadda Sirdoonka Ruushka waxaa ay qabaan in Internet-ka uu ka mid yahay Basaasiinta Mareykanka.

Arintan waxaa ay sii xoojineysaa khilaafkii Mareykanka iyo Ruushka oo awalba xumaa.