U bood dhigaalka

Ruushka, Turkiga iyo Iiraan oo Kulan Gaar ah Ka Yeelanaya Arrimaha Suuriya

Sheeko:Amniga

Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa shaaciyay in uu jiri doono kulan u dhexeeya xukuumadaha Ankara, Moscow, iyo Tehraan kaasoo looga arrinsan doono arrimaha dalka Suuriya.

Wasiirka ayaa sheegay in kulan loo adeegsanayo aaladda fogaan-aragga, maadama weli xanuunka safmarka uu weli ka jiro caalamka.

Kulamadan waxa ay gaar u yihiin wasiirka arrimaha dibadda saddexda dal, waxaana xigi doona kulan kale oo isla aaladda foggaanka Aragga ay ku yeelan doonaan madaxweynayaasha waddamada Turkiga, Ruushka iyo Iiraan.

Sida laga soo xigtay wasiir Lavrov, kulanka ayaa dhici doona ka hor inta aysan dhicin kulanka guddiga wada-xaajoodyada ee Suuriya.

Laakin dhiggiisa dalka Iiraan, Maxamed Javad Zariif oo isna shir jaraa’id ku qabtay Moscow ayaa rajo ka qaba inuu kulanka dhici doona bisha August ee sannadkan.

Suuriya, dagaal sokeeye ayaa ka socday tan iyo horaantii sannadkii 2011-kii, xilligaas oo dalka ay ka billowdeen bannaanbaxyo dimuquraadiyadeed oo looga soo horjeeday madaxweyne Bishaar Al-Asad.

Boqlaalo kun oo dad ah ayaa la dilay in ka badan malaayinna waa ay ka barakaceyn dagaalka dhowrkaas sanno dagaallada socday

Goobjoog News