U bood dhigaalka

RW Cabdiweli: Guul ayuu ku soo dhamaaday socdaalkii aan ku tagay Baydhabo

Sheeko:Dalka
Ra'iisal Wasaare Cabdiweli iyo Guddoomiye Jawaari
Ra’iisal Wasaare Cabdiweli iyo Guddoomiye Jawaari

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sh. Axmed iyo wefdigii uu hoggaaminayey ee Socdaalka shaqo u joogay magaalada Baydhabo ayaa intii aysan ku soo laaban Muqdisho, waxa ay kulammo kala duwan la soo qaateen, Odayaasha Dhaqanka, Bulshada gobolka, Saraakiisha ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa xalay ilaa maanta galinkii hore la kulmayey Bulshada magaalada Baydhaba, iyadoo kulammadaasi lagu dhageystay aragtida dadweynaha, waxaana Bulshada kulamadaasi ka soo qeyb-gashay ay ballan qaadeen in ay sii labo jibaari doonaan taageerada dowladda iyo howlaha dib-u-heshiisiinta ee Xukuumaddu gar-wadeenka ka tahay ee ka socda gobollada Koonfur Galbeed.

“Guul ayuu kusoo dhammaaday socdaalkii aan ku tagay Baydhabo, waxaan soo furnay shirkii dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha maamulka KMG ah ee koonfur galbeed, waxaan xalay la kulmay odayaasha dhaqanka iyo hoggaamiyayaasha siyaasada gobolka dhammaantoodna waxay noo muujiyeen taageerada ay u hayaan shirka dib-u-heshiisiinta ee Xukuumaddu hormuudka u tahay” ayuu yiri R.W Cabdiweli.

Socdaalkii Shaqo ee uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku tegay magaalada Baydhaba ayaa qeyb ka ahaa daadaallada ay waddo Xukuumadda Soomaaliya ee lagu gaarsiinayey dib-u-heshiisiin loo dhan yahay dhammaan gobollada dalka Soomaaliya.

R/wasaaraha ayaa isla maaanta ka amba baxay magaalada Muqdisho waxaana la sheegay in uu aaday dalka Ingiriiska halkaas uu ugu qeyb gali doono shir looga hadlaayo dhanka ciidamada iyo Ammaanka.