U bood dhigaalka

RW Ku Xigeenka Iyo Qaar Ka Mid Ah Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan Oo Ku Shirsan B/weyne

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaare xigeenka xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte ayaa isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xalay ku hoyday magaalada Baladweyne waxay maanta shirar la leeyihiin odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan.

Shirkani oo ah mid ay albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul wasaare xigeenka xukuumadda federaalka Maxamed Carte, xubno la socday iyo sidoo kale qaar kamid ah Ugaasyada gobolka Hiiraan.

Warar lagu kalsoon yahay oo Goobjoog News ay ka heleyso magaalada Baladweyne ayaa sheegay in shirka soconaya looga hadlayo arrimaha maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe iyo sidoo kale madmadowga ka jira halka lagu soo dooranayo xildhibaannada matalaya gobolka Hiiraan.

Wariyaha Goobjoog wuxuu soo sheegaya in shir saaka ka billowday Baladweyne lagu kala tagay hase yeeshee la sheegay in dib la isaga soo laabanayo oo shir labaad ay dhinacyadu haddana geli doonaan.

Odayaasha reer Hiiraan gaar ahaan dhaqanka diidan gogosha magaalada Jowhar ayaa horay u sheegay inay aqbali doonin in xildhibaannada labada aqal ku matalaya lagu soo xulo meel ka baxsan gobolka Hiiraan.

Warar hoose oo la helayo ayaa sheegaya in shirarka ka socda Baladweyne la isku mari la’yahay oo Raysal wasaare xigeenka iyo odayaasha dhaqanka ay isku fahmi la’yihiin qodobbada qaar.

Waxay sidoo kale odayaasha diidan yihiin ka qeyb galka shirka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe waxayna qaarkood qabaan aragti ah in shirka maamul u sameynta uu ku wacan yahay in Hiiraan lagu qabto.

Faahfaahin dheeraad ah dib kala soco

Goobjoog News