U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaarey Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa goor dhoweyd ka degay garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa Ra’iisul wasaare Cumar kusoo dhoweeyey magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Sharmaarke ayaa Gaalkacyo u tagey sidii la loo heshiisiin lahaa maamullada Puntland iyo Galmudug oo maanta wada hadallo uga furmaya magaalada Gaalkacyo.

Wafdigani waxaa kaga sii horreeyay Gaalkacyo isla wafdi kale oo uu hoggaaminayay wakiilka Qaramada Madoobe ee Soomaaliya Micheal Keating oo beesha caalamka ka socda.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News