U bood dhigaalka

RW Xamsa oo ku wajahan Aadan Yabaal

Sheeko:Amniga

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku wajahan degmada Aadan Yabaal ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Xamsa Cabdi Barre ayaa la qorsheynaya in uu tago degmada Aadan Yabaal oo kamid ah deegaannada mudada dheer ay haysteen ururka alshabaab, kuwaas oo dhawaan laga saaray.

Degmadaan oo ah mid istaraatiji u ah dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab ee ka socda gobalada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan.

Al-shabaab ayaa Aadan Yabaal ka talinayay muddo kor u dhaafeyso 10-sano, waxaana ay ahayd mid ay ku leeyihiin fariisin aad u wayn.

Wafdi horu dhac u ah ra’iisulwasaaraha ayaa gaaray degmada maanta, waxaana la filaya in ra’iisulwasaaraha uu kulama kula qaato degmada mas’uuliyiinta maamulka Hirshabeelle iyo kan gobalka.

Ra’iisulwasaaraha ayaa kulama dhiiragelin iyo dardaaran ah la qaadan doono Ciidamada xoogga iyo kuwa dadka deegaanka ah ee u istaagay la dagaalanka ururka alshabaab.

Goobjoog News