U bood dhigaalka

Rwanda: Kagame iyo Modi Oo Ka Wada Hadlay Iskaashi  Difaaca ah, Ganacsiga iyo Beeraha

Sheeko:Dalka

Hindiya ayaa la sheegayaa in $200 million oo hababka deyn qaadashada ah ay ka hirgelisay dalka Rwanda.

Arrintan ayaa timid kadib markii wada hadal ay yeesheen madaxweynaha Rwanda Paul Kagame iyo ra’isul wasaaraha Hindiya  Narendra Modi.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, iskaashi xagga difaaca ah, ganacsiga iyo beeraha, arrimaha kale oo ay ka heshiiyeen waxaa ka mid ah warshadaha,  science iyo technology.

Booqashada Modi ee Rwanda waa tii ugu horeysay oo ra’isul wasaare dalka Hindiya ka socda uu ku tago dalkan ku yaalo bariga Afrika.

Deymaha(lines of credit) ee la siinayo dalkaasi waxaa $100 million loo qorsheeyay warashadaha halka $100 million lagu bixin-doono beeraha.

Goobjoog News