U bood dhigaalka

Saacad Aad u Weyn oo Shaqaynaysa Kun Sanno

Bilyaneerka reer Mareykan ee la yiraahdo Jeff Bezos ahna ninka hadda ugu taajirsan adduunka ayaa Twitter-kiisa kusoo qoray dhismaha saacad aad u weyn oo loogu talagalay inay shaqeyso 1000 (kun) sanno, si magaciisu uu u waaro.

Saacaddan ayaa dhererkeedu gaarayaa 150 mitir, waxaana ay ku shaqeynaysaa hab aan si sahlan lagu fahmi karin oo kakan, waxayna la jaanqaadi kartaa heerkulka kala duwan ee habeenkii iyo maalintii.

Sida website-ka Fox News lagu xusay dhismaha saacaddan waxa ay Bezos ku qaadanaysaa kharashaad gaaraya $42 milyan oo dollar ah, waxaana laga qotominayaa mid ka mid ah buuraha galbeed ee gobolka Taxis ee gudaha Mareykanka.

Goobjoog News