U bood dhigaalka

Saacid Maxamed Xuseen “Wasaaradda Ciyaaraha Iyo Dhalinyarada Soomaaliya Waxay Dhiirigelinaysaa Shaqooyinka Horomarineyd Ee Xiriirka Minifootboolka”

Sheeko:Cayaaraha

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadcag yaraha ayaa magaalada Muqdisho ka furay tartan u dhaxeeya 24-koox oo is reeb ree ah, waxaana ciyaartooydii kasoo baxda tartankan ay matalidoonoa Xulka Qaranka Minifootboolka Soomaaliya, ee sanadaha soo aadan ka qeybgalaya dhacdooyinka Minifootboolka qaarada Africa iyo kuwa caalamka.

“Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya, waxay guul u rajaynaysaa ciyaartooyda iyo kooxaha Minifootboolka ee ciyaaraha is reeb reebka ugu furmay magaalada Muqdisho, runtii waa shaqo loo baahan yahay furitaanka ciyaaryahan” ayuu sheegay Ibraahim Xuseen Roonbe oo ah la taliyaha Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Xiriirka kubadcag yaraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle ayaa munaasabada furitaanka tartanka is reerb reebka kooxaha Minifootboolka ka sheegay in ay rabaan in hal milyaan oo ciyaartooy ah kuwaas oo matasha Xulka Qaranka Kubadcag yaraha, si ay ugu soo muuqdaan dhacdooyinka Minifootboolka qaarada Afrika iyo kan caalamka.

“Wasaaradda Ciyaaraha Soomaaliya waxay ku faraxsantahay horomarka iyo waxqabadka ay wadaan madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha,isagoo sheegay in Wasaaradda ay ka go’antahay horomarinta Minifootboolka dalka” ayuu munaasabada furitaanka is reeb reebka kooxaha Minifootboolka ka sheegay Saacid Maxamed Xuseen oo ah agaasimaha waaxda Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Dowladda Soomaaliya.

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/guddoomiye-xaaji-aadan-cabdulle-waxqabadka-somfa-wuxuu-ku-socdaa-si-wanaagsan-oo-guul-iyo-horomar-ah/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle