U bood dhigaalka

Saadaq Joon: Baarlamaanka Waan Hakinay Doorasha Aada

Sheeko:Amniga

Taliska Guud ee Gobalka Banaadir ayaa sheegay in ay joojiyeen kulankii maanta ay lahaayen xildhibaanad Baarlamaanka Soomaaliya .

Saadaq Cumar Xassan Taliyaha Guud ee Booliiska Gobalka Banaadir ayaa sheegay in aysan dooneyn in dalka dib loogu celiyo in dagaal iyo qori .

Taliya ayaa sidoo kale sheegay in ay Booliiska Gobalka Banaadir ay hakiyeen kulankii Maanta , isagoo sheegay in loo baahan yahay in Baarlamaanka ay dib ugu noqdaan Deegaanadii laga soo doortay maadama waqtiga uu ka dhamaaday .

“Baarlamaanka Soomaaliya Maanta Waxaan hakinay  kulankii ay lahaayeen waxaan u hakinay waxaa loo baahan yahay wax boob ah oo la boobaya in aysan jirin isfaham siyaasadeed la gaaro Baarlamaanka Soomaaliyana waxaan leeyahay waanila soo doortay Afar sano ayaad joogteen afarti sano wey idinka dhamaatay waala idin soo doortay doorasho dib ugu laabta”

Taliyaha ayaa sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ugu baaqay in uu qaato doorkiisa isagoo sheegay in Rooble aan la joogin xilligii wax loo meerin lahaa.

” Dalku wuxuu ku socday tan iyo carta doorasho Doorashana loo baahan yahay Ninkii la doortoow doorasho kale raadso wax xoog ah iyo wax hagar daamo ah iyo dib in magaaladaan difaac looga galo oo magaaladaan daaraheeda la dumiyo ma dhici karto waxaan leeyahay mudane Ra’iisul wasaare Mas’uuliyadaada qaado kana soo bax waad ku filan tahay dalku uma baahna in aad meel fariisato oo wax laguu meeriyo waa adiga inaad wax meerisaa .