U bood dhigaalka

Saameynta Abaaruhu ee Ku Yeesheen Ka Ganacsiga Shaaha

Sheeko:Ganacsiga

Xilli dalka ay ka jiraan abaaro iyo sidoo kale sicir barar saameeyay bulshada qeybaheeda kale duwan, gaar ahaan dhanka qutul- duruuriga  ayaa waxaa uu si gaar ah u saameeyay hablaha kariya shaaha, kuwaas oo ka maareeya noloshooda iyo midda qoyska, xilli qaarkood ay ku xariiraan carruur ay waxbarashada kaga bixiyaan waxa ay ka helaan shaaha ay ku iibinayaan maqaayadaha.

Goobjoog ayaa waxay u kuurgashay sicir barar muddooyinkii ugu dambeeyay  laga dareemayay shaaha, taas oo ay sababtay sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah oo aan la kulannay in ay tahay sare u kac ku yimid qiimaha la iibiyo Sokorta, taas oo ay sabab u tahay sare u kaca laga dareemayo qiimaha la iibiyo koobka shaaha ah oo gaaray 4000 illaa 5000 oo Sh,S0.

Maama Caasho Cali Guhaad, oo  ka mid ah hooyooyinka ka shaqeeya goobaha shaaha lagu iibiyo ayaa waxaa aan ku booqannay meheraddeeda oo ku taalla magaalada  Muqdisho, waxaana ay sheegtay in muddo dhow 30 sano ay ku jirtay karinta Shaaha, iyadoo hadalkeeda ku dartay in caruur badan ay ka korsatay qaarkood ay dalka iyo dibadda joogaan xilligaan.

Maama Caasha oo  ka hadlaysay sicirka waqtigaan  ku yimid iyo saameynta ka dhalatay  waxaa ay sheegtay in hoos u dhac uu ku yimid dalabka shaaha, iyadoo hadalkeeda raacisay in haatan  la iibiyo koobka shaaha ah 4000 illaa 5000 oo Shilling Soomaali ah, taas oo ka sarreysa qiimihii horay loo iibin jiray oo ahaa 3000 oo Shillinka Soomaaliga sida ay sheegtay.

Sidoo Kale waxaan la kulanay Hooyo Faa’iza Cali Faarax, waxaa ay Goobjoog News u sheegtay in saameyn xooggan ay ka dhalatay sare u kaca ku yimid Sokorta oo hadda 1Kg la iibiyo 24,000 shilling, waxaa ay hadalkeeda sii raacisay in muddo ah ay ku jirtay aysan arag xaaladdaan oo kale, waxaana carabka ay ku dhufatay 5 caruur ah ay waxbarashadooda ka dabarto.

Maamadu waxaa ay sidoo kale sheegtay in sicirka kacay uu hoos u dhigay dalabkii shaaha, taas ay sababtay in wixii horey looga heli jiray aan hadda looga helin, Faaiza waxaa ay carrabka ku dhufatay in carruurteeda mid ka mid ah uu waxbarasho Jaamacadeed uu ku jiro, halka kuwa kale ay iskuul iyo dugsi Qur’aan ay kala dhigtaan sida ay hadalka u dhigtay maamada.

Hooyo Faaiza Cali Faarax waxaa ay ugu baaqday dowladda iyo ganacsatada in Sokorta hoos loo dhigo si shaaha loogu celiyo halkii hore, iyadoo taas sabab uga dhigtay in marka ay sokortu raqiisto ay dalabka shaaha uu aad u badan yahay, laakiin xilligaan mararka qaar waxaa ay sheegtaa in lawaayo qiimaha Sokorta, maadaama uu yaraaday dalabkii shaaha la cabayay.

Goobjoog ayaa dhanka kale waxaa ay  booqatay meheradda hooyo Haliimo Caddow Muuse, waxaana ay sheegtay in sicirka kacay dhankooda ay lacagta ku dareen shaaha, waxaana ay meesha ka saartay in wax dhibaato ah ay ku qabto sicir bararka, waxaana ay carrabka ku dhufatay in 25 sano ay ku jirtay, dowladda ayey ugu baaqday in ay canshuurta yareyso.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe laga dareemayay sicir barar ku yimid qiimaha shaaha ay dumarku ku iibiyaan maqaayadaha, kaas oo qiimaha ahaan sare u kacay 2000 shilling Soomaali ah, waxaana ay sabab uga dhigayaan in sare kaca ku yimid qiimaha Sokorta ay tahay, waxaana 1KG suuqyada la iibinayaa 24,000 illaa 25,000 Shilling Soomaali ah.