U bood dhigaalka

Saameynta Ay Xoolo Dhaqatada Ku Reebtay Abaarta Ka Jirta Gobollada Sool Iyo Sanaag

Sheeko:Dalka

Anigoo ah Wariye Faarax Maxamuud Dubad kana tirsan Goobjoog News ayaa 20-kii bishan Maarso ka amba baxay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, waxaana socdaalkaygu ahaa inaan u kuur galo xaaladda abaareed iyo tan biyo la’aaneed ee ka jirta deegaanno ka tirsan Gobollada Sool iyo Sanaag.

Markii aan ka tagey Laascaanood waxaan sii maray tuulada Saaxo Gabagabo oo qiyaastii 25-km dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada Laascaanood, waxaana halkaasi ku arkay dad soo guurto ah oo kasoo hayaamay qeybo ka mid ah gobolka Sanaag iyo gobolka Bari, kuwaasi oo ka cabanaya dhibaatooyin ay xooluhu ka qabaan.

Dadkaasi ayaa ii sheegay in xooluhu ay hayaan xanuuno ay badday abaartu, waxaana dadkan soo guurtada ah ay ku badan yihiin deegaanno ku yaalla gobolka Sool, iyaga oo ka cabanaya xanuunno, raashin iyo biyo la’aan.

Dadka xoolo dhaqatada sidoo kale waxay ka cabanayaan xaaluf iyo biyo la’aan, waxaana intaasi u sii dheer kuleyl daran oo deegaannadaasi ka jira.

Deegaannadii aan maray waxaa sidoo kale ka mid ah Dib Shabeel, Degmada Xudun, Dogoble, Lafweyne, Shimbiraale, waxaana deegaannadaasi ku arkay dad xoolo dhaqato ah kuwaasi oo ii sheegay inay ka soo guureen deegaanno fog fog oo ay ka mid yihiin deegaannada ku dhaw Badhan ee gobolka Sanaag.

Dadka deegaannadan deggan iyo dadka u soo guuray waxaa si isku mid ah u saameeyay abaarta haba ugu darnaatee Biyo la’aan daran taasi oo ay ugu wacan tahay deegaannada qaar oo ceelashii biyo yareeyeen.

Ururada daryeel iyo Ugbaad oo ka mid ah ururo ka shaqeeya halkaasi ayaa wada biyo dhaamin maadaama xaaladda dadku ay tahay mid aad u adag.

Cabdiraxmaan Maxamuud oo ka mid ah dadkii aan la kulmay ayaa sheegay in ku dhawaad 20 cisho aanay arag wax biyo ah, marka laga reebo gurmadka ay sameeyeen ururadan Samafalka ah.

Waxa uu tilmaamay in uu ku waayay abaartan 40 neef oo ari ah kuwaasi oo u geeriyooday harraadka jira.

“annaga 15 cisho biyo ma aanu helin, ari gaaraya 40 baa iga dhintay, kuwa kalena qarka ayey u saaran yihiin, waxaan u baahannahay in gurmadka biyaha naloo soo xoojiyo” sidaasi waxaa yiri Cabdiraxmaan Maxamuud.

“Deegaanka Dhibaato xooggan baa ka jirta, raashin meel aan u raadsanno garan meyno, arigii nalagama iibsanayo, waxaan ku faraxsannahay ururudan inoo keenay biyo bilaash ah oo aan ka faa’iideysanayno” sidaasina waxaa tiri mid ka mid ah Haweenka aynu kula kulannay gobolka Sool.

Dhibaatooyinka ay abaaruhu sababeen ayaa laga dareemayaa Tuulooyinka gobollada Sool iyo Sanaag, waxaana joogsaday ganacsigii Tuulooyinkaasi maadaama ganacsigooda uu ku tiirsanaa Xoolaha iyo Caanahooda.

Faarax Maxamuud Dubad

Goobjoog News