Saameynta Dhacdadii September 11, 2001-kii Iyo Soomaaliya

11/9/2001-dii: Maalintaas 19 Dhalinyaro ah ayaa afduubay diyaardo rakaab rayid ah siday, American Airline dulimaad-ka 11-aad ayaa dhex gashay dhismaha Waqooyiga xiga ee daarihii mataanaha ahaa (twin towers), halka United Airline duulimaadkii 175 uu ku dhuftay dhanka Koofur ee dhismahaas.

Dhinaca kale, American Airline duulimaad-ka 77 ayaa ku dhacay Pentagon-ka, halka United Airline duulimaad 93 ku dul burburtay hawada Washington.

Halkaas waxaa ku dhintay 3000 oo ay ka mid ahaayeen, 227 oo rayid ah iyo 19-kii falka fuliyay.

Dhacdooyin muhiim ah ka hor 11/09/2001:

Inta aanay dhicin dhacdadan 11/9/2011, waxaa jira dhowr taariikh oo xiriir toos ah la leh arrinkan.

Dagaalkii Qaboobaa: Waxaa uu bilawday 1945-tii markii Hitler la dilay, Maraykanka iyo Ruushka ayaa awoodda dunida isku qabsaday, Mudadada dagaal-kii qaboobaa waxaa dhacay: Kala qeybinsan-kii Jarmal-ka 1949-1949-kii, dagaalkii Labada Kuuriya 1950-1553-dii, dagaalkii Vetnam 1956 iyo duulaan-kii Sovet-ka ee Afgaanistaan December 1979 ilaa February 1989, Xilliga dagaal-kan qabow uu socaday, dowladda Maraykanka waxay saaxiib la ahyed Islaamiyiinta, waxay siin jirtay taageero militari, Dhaqaale iyo mid siyaasadeed.

1991-kii: Waxaa burburay midowgii Soviet, Waxaa dunida ku soo haray hal awood oo Maraykanka ah, Waxaa isku dhacay Maraykanka iyo Islaamiyiinta oo shalay Saxiibo ahaa.

1996-dii: Waa markii Binu Ladin tagay Afgaanistaan halkaasna uga dhawaaqay Al-qaacida, fikirk-ka Al-qaacida waxaa uu bilowday 1988-dii.

26- September 1996- Markii Taalibaan qabsadeen Kabul, Kuna dhawaaqeen dowlado Islaami ah, Waxaa aqoonsaday dalal badan oo Sacuudiga iyo Pakistan ku jiraan. Waxaa kaloo jiray dad Soomaali iyo ajaanib halkaas ku soo tababartay oo ku soo noqday geeska Afrika.

7 August 1998: weerar loo geystay Safaarada Mareykanka ee Nairobi iyo Daru-Salaam. Nairobi waxaa ku dhintay 213 qof iyada oo 11 qof ay ku dhinteen Daar El-salaam

Dunida Maxaa Ka Dhacay Kadib September 11, 2001-dii?

20 September 2001: Waa maalintii G. W. Bush Madaxweynihii xiligaas ee dalka Mareykanka uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah waxa uu ugu yeeray “argixisada”.

7 October 2001: Mareykanka ayaa weeraray Afgaanistaan kadib markii Taaliban diideen in ay soo dhiibaan Osama Binu Ladin oo Bush sheegay inuu ku lug-lahaa weeraradii 11/September.

Dhankan iyo Soomaaliya: Waxaa dhismay Maxaakiim Islaamiga ahaa, Waxaa xoogaystay fikirkoodii, qaar ka tisran Islaamiyiinta Soomaaliya ee xiligaas waxaa ay tababar ku soo qaateen Afgaanistaan taas oo keentay in hogaamiye kooxeedkii sameeyaan dhaq-dhaqaaq ka dhan ah Islaamiyiinta Soomaaliya, iyaga oo qaar islaamiyiinta ka tirsan loo gacan galiyay dowladda Mareykanaka.

18/02/2006: Sagaal Hogaamiye oo kala ah: Muuse Suudi, Cumar Finish, Bashiir Raage, Cabdi Qeybdiid, Cabdi waal, C/rashiid Shire Ilqeyte, Cabdi shukri, Maxamed Qanyare, Bootaan Ciise Caalin iyo Maxamed dheere oo dib uga soo biiray, ayaa ku dhawaaqay isbaheysiga la dagaalanka argixisada, Sida ay sheegtay International Crisis Group ragan ayaa bil walba dowladda Mareykanka siin jirtay 100,000 ilaa 150,000 Dollar si ay ula dagaalamaan aragigixisada.

February 28, 2006: Muqdisho waxaa looga dhawaaqay golaha Kacdoonka Difaaca Diinta iyo Dalka, kaas oo ay ku dhawaaqeen Midowga Maxaakiimta Islaamigu si ay uga hor tagaan Isbahaysiga la baxay la dagaalanka “Argagixisada. Maxaakiimta ayaa ku guuleystay dagaal ay labada dhinac galeen.

February 26, 2008, Waxaa uu Mareykanka ku daray Al-shabaab liis-ka kooxaha argagixsada.

1-da May 2008-dii Mareykanka ayaa duqeyn cirka ah Dhuuso-Mareeb ku dilay Hogaamiyihii Al-shabaab Aaden Xaashi Ceyrow.

10 Febraayo 2012: Al-shaab oo ku biiray Al-qaacida sida uu sheegay Ayman El-dawaahiri oo ah hogaamiyaha Al-qaacida.

6-dii June 2012, Mareykanka oo lacag dul dhigay ciddii soo sheega xogta Hogaamiya Al-shabaab Axmed Godane, Mareykanka ayaa madaxiisa dul digay ilaa $7-million (5.35-million-euro).

1 April 2013: Obama oo saxiixay in Taageero militari siiyo Soomaaliya si dowladda ula dagaalanto waxa uu ugu yeeray argigixisada.

28 March 2014: Obama Wuxuu ku dhawaaqay abuuritaanka santuuq ilaa shan billion oo doolar lagu caawiyo dalalka dunida oo dhan oo soomaaliya ay ka mid tahay si argagixisada loola dagaalmmo.

Jul 10, 2014: Xukuumadda Soomaaliya ayaa meel marisay anti terror law oo ah sharci lagula dagaalamayo Argagixsada.

1 September 2014: Mareykanka ayaa duqeyn ku dilay hogaamiyhii Al-shabaab Sheekh Muqtaar Cabdulraxmaan (abuu subeeyr/ Godane.)

Dagaalka Mareykanka ee la magac baxay la dagaalanka argigixisada uma muuqdo mid dhamaad leh, iyada oo maalin walba sii xoogeysanayo dagaalka Mareykanka uu kula jiro Islaamiyiinta.

Dagaalka loogu yeero ladagaalanka argigixisada waxaa uu ka socdaa Soomaaliya, Mareykanka waxaa ay saldhig ku leeyihiin Balli-doogle, Shabeellada hoose, waxaa ay sanadkii geysteen ilaa 35 duqeyn halka sanad ay 20 gaarayaan.

Goobjoog News

Related Articles

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW