U bood dhigaalka

Khilaafyada Siyaasadeed Oo Saameyn Ku Yeeshay Horumarka Dalka

Sheeko:Dalka

Khilaafaadka Siyaasadeed ee ka dhex bilowda Madaxda Soomaaliyeed tan iyo dowladdii Carte ee Sanadkii 2000, waa mid ay wax ka barteen Shacabka Soomaaliyeed.

Dib u dhaca meelo badan ah ayuu dalka ku yeeshay khilaafaadka golayaasho dowladda ee 18 sano, kaasi oo u muuqanaya in Soomaaliya aysan ka soo kaban.

Madaxweynayaal, Ra’iisulwasaarayaa iyo golaha shacri dejinta ee soo maray dalka ma jirin mid khilaaf la’aan dhameysatay waqtigeeda.

Haddaba maxaa cashar ah oo laga bartay khilaafaadkaasi waxaa ka hadlaya Agaasimaha Heritage Cabdirashiid Khaliif Xaashi waxaa uuna yiri.

“Waxaa laga baran karaa in ay shacabkii ku ajarmeen muddo 30 sano ah ay yihiin Shacabka Soomaaliyeed kuwa dunida ugu gaajada badan, caruurta Soomaaliyeedna ay yihiin kuwo dayacan, waxaa laga bartay khilaafaadka in ay dhaxalnay burbur iyo gaajo iyo in maalin walba dad asaageenna ah ay barino”.

Dhismaha dowlad dhisidda Soomaaliya khilaafyada waxaa ay ku yeesheen saameyn badan, Soomaaliyana weli kama soo kaban burburkii gaaray .

Cabdullahi Shirwac oo ka mid ah ururada bulshada rayidka isla markaasna xilliyadaas kala duwan u soo joogay ayaa sheegaya in hay’adaha dowladda qaar aysan dhameystirneyn, taas oo xal loo helin aysan suuro gal aheyn in uu khilaafka dhamaado.

“Khilaafkaan waxaa laga baran karaa in hay’adaha dowladda la dhameystiro lana sameeyo maxkamaddii Dastuuriga aheyd guddii adeegga garsoorka uu jiro, waxaa maqan hay’addii dhameyd oo markii uu yimaado khilaaf dhanka sharciga ah lagu xaliyo”.

Goobjoog News